4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2017
Taliyihii saldhigga Booliiska degmadda Xamar-weyne oo shaqada laga joojiyay

 
Sabti, April, 08, 2017 (HOL) – Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa xalay shaqadii ka joojiyay taliyaha saldhigga Booliiska degmadda Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire.

Gaagaanle Siidow Macallin Isaaq, ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Taliyaha saldhigga Booliiska degmadda Xamar-weyne.

Wasiir Maxamed Abuukar, ayaa kormeer xalay ku tegay qaar ka mid ah saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Mudane Ducaale, ayaa shaqadiisa ku amaanay Taliyaha Saldhigga degmadda C/casiis Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane, isagoona sheegay in uu billowday isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan dhinaca hay’adaha ammaanka iyo sida ay ugu diyaarsanyihiin sugida nabad galyada guud.

G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire, ayaa noqonaya taliyihii ugu horeeyay ee xilka looga qaaday xil gudasho la’aan tan iyo markii la magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Degmadda Xamar-weyne, ayaa la sheegaa in ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga fiican ee magaalladda Muqdishu, maadaama ay u dhowdahay madaxtooyadda Soomaaliya. 

Magaalladda Muqdishu, waxaa bilihii dambe ka dhacayay falal lidi ku ah amaanka, waxaana soo batay weerarada qorsheeysan iyo dilalka gaadmada ah.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia