4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2017
Faah faahin : khasaraha weerarkii gaariga loo adeegsday ee Sweden [Sawirro]

Jimco, April, 07, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saddex ruux lagu dilay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, kaddib markii gaari xamuul ah lagu jiirsiiyay wadada lagu magaaabo Drottninggatan

Ra’iisal wasaaraha Sweden Stefan lofven ayaa sheegay in dalkiisa la weeraray wax walbana ay tilmaamayaan in falka uu yahay mid argagaxiso.

Kaddib falka gaariga dadka lagu jiirsiiyay waxaa la maqlay dhawaqa rasaas, waxaana soconaya baaritaano dheeraad ah oo dhacdadan ku saabsan.

Weerarada gaadiidka loo adeegsado ayaa waxaa sheegta ururka IS iyadoo gaadiid hore loogu weeraray dad rayid ah wadamada Britain Jarmalka, Maraykanka, Faransiiska.

Ugu danbeyntii, gaariga weerarkan ka dambeeyay ayaa loo maleynayaa in uu ahaa mid la soo afduubtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]