4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2017
Wasiirka cusub ee arimaha gudaha oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Cadaado

Jimco, April, 07, 2017 (HOL) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo xildhibaanno oo ay wehliyaan xildhibaanno ka tirsan labada aqal ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamul gobolleedka Galmudug.

Wasiirka iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Ujeedada socdalka wafdiga uu horkacayo wasiirka ayaa lagu sheegay wadatashiyo la xiriira doorashada madaxweynaha Galmudug ee dhawaan lagu wado in ay dhacdo iyo u kuurgalka xaalada abaarta ka jirta deegaannada gobollada dhexe.

Ugu danbeyntii, magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu wadaa in 10ka bishan lagu qabto doorashada madaxweynaha maamulka Galmduug, taasi oo ilaa iyo hada ay u taagan yihiin saddex musharax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]