4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2017
Soomaaliland oo ka digtay mooshinka ka dhanka ah saldhiga Imaaraadka ee Berbera

 Jimco, April, 07, 2017 (HOL) –Maamulka Soomaaliland ayaa faragalin toos ah ku tilmaamay mooshinka ka dhanka ah saldhiga military ee Imaaraadku qorsheynayo in uu ka sameysto Berbera oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah qorshaha Imaaraadka uu saldhiga military uga sameysanayo Berbera, kaa oo muran xoog leh oo siyaasadeed ka dhax abuuray dowladda federaalka iyo maamulka Soomaaliland.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland Xusseen Cige ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay mooshinka xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in marnaba Soomaaliland aqbali doonin in dowladda Soomaaliya wax saameyn ay ku yeelato hishiiska labada dhinac Soomaaliland iyo Imaaraadka ee la xiriira saldhiga military ee Berbera.

‘’Go’aanka waxaan gaaray baarlamaanka Soomaaliland oo ka aqoon badan kana waayo aragsan kan Soomaaliya oo xukuumada uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo u ansixiyay dhaqangalka hishiiskan, sidaa daraadeed marnaba u dulqaadan meyno in la soo faragaliyo danaheena siyaasadeed iyo go’aamada aynu gaarno’’ ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland.

Ugu danbeyntii, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii ina dhaaftay soo gudbiyay mooshin ka dhan ah saldhiga military ee Imaaraadka , kaasi oo loo qeybiyay xildhibaanada baarlamaanka federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]