4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2017
Faafaahin: Qarax ay ku dhinteen 19 oo ka dhacay Gobolka Sh.Hoose

 

Jimco, April, 07, 2017 (HOL) – Qarax nooca Dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari Hoomey ah oo ay saarnaayeen 21 ruux, keliya waxaa ka badbaaday darawalkii gaariga waday.

Ugu yaraan 19 ruux ayaa goobta ku geeryootay.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay Degaanka Goolweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaariga ayaa ka soo baxay magaalladda Buulamareer ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu ku soo socday magaalada Marka ee xarunta gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuure ayaa sheegay in gaarigaasi ay saaraayeen 21 qof uu darawalkii oo kaliya ka badbaaday, intii kalena ay qaar dhinteen qaarna dhaawac yihiin.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay, deegaanadda Shabeellaha hoose, waxaaa qaraxyo lagula eeganayay ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia