4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2017
Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda gobolka Shabeellaha hoose

Jimco, April, 07, 2017 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka wada deegaanno hoostaga gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka naga soo gaaraya deegaan lagu magacaabo Farxaane oo ka tirsan degmada Qoryooley ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada wada socda halkaa ka sameeyeen ku qabteen sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabaas Axmed oo laga soo qabtay guri uu ka deganaa deegaanka.

Ciidamada huwanta ayaa howlgalkooda ku sheegay in uu qeyb ka qorshaha lagula dagaallamayo Al-shabaab oo inta badan deegaannada gobolka Shabeellaha hoose ka geystay weeraro isugu jira kuwa toos ah iyo qaraxyo lagu bartilmaameedsado ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay tiro ka badan 20 ruux oo rayid ah ay ku geeriyoodeen gaari ay la socdeen dad rakaab ah oo marayay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii lagu qarxiyay miino dhulka lagu aasay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]