4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Xaruumaha caafimaad ee Muqdishu oo laga heli karo Qalab Qaliimo casri sameeya

 

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Isbitaalka Taqasusiga ah ee Kalkaal (KALKAAL SPECIALITY HOSPITAL) oo dib u habeyn lagu sameeyey ayaa lagu soo kordhiyey adeegyo caafimaad oo tayo sare leh iyo qaliimo casri ah oo aan horey uga jirin gudaha dalka. 

“Adeegyada cusub iyo kuwii horey u jirayba waxaa ka faa’iideysan doonaa, bukaano fara badan, waxayna heli doonaan daweyn iyo qaliimo loo adeegsanayo qalab casri ah,” sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Isbitaalka Kalkaal Cabdullaahi Cabdikariin Cusmaan.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in Qaliimada loo adeegsan doono qalab casri ah oo uu ka mid yahay Laparscopic (Leesar) Iyo Endoscopy.

Dhinaca kale waxaa uu Agaasimaha uu sheegay in KALKAAL SPECIALITY HOSPITAL uu  isku diyaarinayo Campaign-kii 8aad ee Qaliimada Kelyaha & kaadi.

“Waxaa isbitaalka kalkaal uu suurtageliyey in dhaqaatiirta ugu cansan dalka Hindiya ay ku dhiiradaan inay dalka yimaadaan, qaliimada Laparscopic (Leesar) Iyo Endoscopy-na ka fuliyaan Isbitalka kalkaal, waxaana yaalla qalab casri ah oo loo isticmaalayo Burburinta dhagaxyada kelyaha & kaadi mareenka isla markaana soo saari doona burutaada” ayuu yiri agaasimaha oo intaa ku daray in isbitaalka xaruntiisa cusub ay ku taallo inta u dhexeysa isbitaalka Digfeer iyo isgoyska Banaadir ayna shaqadu dib u bilaaban doonto Taariikhdu marka ay tahay 08/04/2017 – 14/04/2017.