4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Biya Dhaamin iyo deeq Dawo ah oo la gaarsiiyay Gobollada Gedo iyo Galgaduud

 

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Hay'adda Humanitarian African Relief ee HARO oo ka mid ah Hey’adaha Samafalka ee ka Howlgalla dalka  Soomaaliya  ayaa gar-gaar Biyo Dhaamin ah  ka sameeyay Gobollada Gedo iyo Galgaduud,  waxaana Biya dhaamintaas ka faa’iideystey dad iyo Duunyo.

“Biya dhaaminta waxaa ay qeyb ka tahay gurmadka la gaarsiinaayo dadka abaaraha ay saameeyeen”, sidaasi waxaa yiri Masuuliyiinta hey’adda HARO.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ka socday Maamulada  ku sugan Gobolada Gedo iyo Galgaduud oo ka hadley Goobta  ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan Biya Dhaaminta ee Hayadda HARO.

Hayada HARO ayaa  Deeq Dawo ah Gaarsiisey Gobolka Gedo gaar ahaan Buur Dhuubo iyo Garbahaarey ka dib markii deegaanadaas ay ka dilaaceen Xanuuno  kala duwan.

Dadkii Daawadaas la gaarsiiyey  iyo kuwii Biya Dhaaminta ka Faa’ideysatay  ayaa u mahadceliyey  Hayada  HARO , sidoo kale waxay u Mahadcliyeen Jaaliyada  Seattle ee Washington  oo uu Hormuud ka ahaa  Masjidka Abuubakar Sadiiq  Islamic Center ee Seattle, yo Jaaliyada Reer Santiago ee California  Masjidka Al Ansaar  iyo Al Huda slamic Center.

Mustaf Hussien
Mogadishu,Somalia