4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Aqriso: Taariikhda Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir

 
Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, waxaa uu haystaa Shahaadada Jamaacadeed ee Maamulka Ganacsiga ee Business Administration (BA), iyo Shahaadada Hoggaaminta iyo Maareynta ee MA in  Leadership and Management (MA).

Taabit Cabdi Maxamed waxaa uu ahaa ku-xigeenka Safiirka Somalia u jooga magaalladda Washington DC.

Taabit Cabdi Maxamed waxa uu La-taliye Madax-bannaan oo Siyaasadeed (An independent Political Advisor)  ahaan kula soo shaqeeyey Hay’addo Dowladeed iyo kuwo aan Dowli ahayn (NGO) ka hawlgala Bariga Afrika.

Waa Khabiir aqoon u leh Siyaasadaha Gobalka (Regional Politics), Siyaasadda Guud (Public Policy), Xiriiradda Dibedda (Foreign Relations), Diplomaasiydda iyo Hoggaaminta (Diplomacy and Leadership).

Laga soo bilaabo sannadkii 2013-kii ilaa 2014-kii, waxa uu ahaa Sii-hayaha Agaasimha Madaxtooyadda iyo Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha iyo Maareynta Hawlgalladda ee Xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Muddadii uu Xilkaasi hayey waxaa aad loogu ammaanay sida Hawlkaarnimadda ee uu wax badan uga beddelay Nidaamka ee Villa Somalia iyo sida uu u kala agaasimi jirey Hawlaha culus ee Madaxtooyadda Villa Somalia.

Taabit Cabdi Maxamed waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Hay’adda UNDP ee dhinacyadda Barnaamijyadda iyo Hawlgalladda.

Mudan Taabit, waxaa uu maanta ka mid ahaa xubno cusub, oo la magacaabay waxaana laga dhursugayaa shaqadda uu la imaan doono. 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia