4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Saraal ka tirsanaa Nabad sugida dowladdii kacaanka oo lagu xiray dalka Mareykanka

 

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Sharciga ee dalka Maraykanka, ayaa xabsiga dhigtay ku dhowaad 82 ruux oo u kala dhashay 26 wadan, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal socday mudo shan maalmood ah, oo laga sameeyay Gobalka Virginia, Columbia, magaalladda Washington DC iyo  Gobalka Maryland.

Dadka lasoo qabtay qaarkood waxaa la sheegay inay yihiin Dembiilayaal horey loogu yiqiinay Fal-dembiyeedyadda dhaca Hubeysan, Tuuganimo iyo Isticmaalka Daroogadda.

Dadka la xiray ayaa waxaa ka mid ah, Muwaadin Somali oo 50-jir ah, oo horay u ahaa Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabad sugidda Qaranka Somalia “The Somalian National Security Service (NSS)-ta ee xilligii Dowladdii Kacaanka.

Hey’addii uu ka tirsanaa muwaadinka Soomaalidda ah ayaa warbixinta ay sheegatay in ay ku caan aheyd Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, Kufsiga, Jir-dilka iyo Dilalka baxsan.

Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Sharciga ee dalka Maraykanka, ma aysan soo bandhigin magacyadda 82-ruux ee ay xireen. 

82 ruux ee la xiray ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan wadamadda, Algeria, Bolivia, China, Cuba, the Dominican Republic, El Salvador, Ethiopia, Ghana, Guatemala, Guinea, Honduras, Iran, Jamaica, Mexico, Moldova, Mongolia, New Zealand, Nicaragua, Peru, Philippines, Somalia, South Korea, Sudan, Trinidad, Vietnam and Sierra Leone.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia