4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo Dagaalada Sh/dhex

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada kusoo noq-noqday Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Tuulooyin hoostaga degmadda Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ku dagaalamayay labo maleeshiyo beedeed.

“Waa wax laga xumaado dagaaladda iyadoo ay dalka ka jiraan Abaaro ragaadiyay dadka iyo duunyada, waxaan ka xumahay in lagu dul dagaalamo dadka gaajada u dhimanaya”, ayuu yiri Pro Jawaari.

Geesta kale, Guddoomiye Jawaari ayaa maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dagaalka lagu gubay Tuulooyinka islamarkaana ay u istaagaan sidii loo damin lahaa.

Masuuliyiin ka tirsan deegaanka, ayaa shalay sheegay in ay jiraan dhibaatooyin xooggan oo la soo deristay dadka ku nool toolooyinka, waxaana la sheegay in qaarkood ay kasoo qaxeen tuulooyinka.

Dhinaca kale, xaalad aad u daran ayaa ka jirtay degaanadda dagaaladda ay ka dhacayaan.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia