4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2017
Dowladda Kenya oo xirtay 7 soomaali ah

 

Khamiis, April, 06, 2017 (HOL) –Ciidanka dowladda Kenya, ayaa xiray todobo soomaali ah oo la sheegay in ay dadka tahriibinayeen.

Soomaalidda la xir-xiray, ayaa ku noolaa magaalladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana police-ka la sheegay in ay baaritaano ku hayeen maalmo badan.

Booliska fuliyay Howlgalkan waxa ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Ducomentiyo been abuur ah oo raggan ay sameysteen.

Isku duwaha Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Maxamed Saalax Saciid, ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada police-ka ay wadaan baaritaano iyaga u gaar ah.

Dalka kenya, ayaa waxaa la sheegaa in ay saldhigyo ku leeyihiin koox la shaqeegay magafayaasha dalka Libiya jooga.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia