4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2017
Faafaahin: Qarax gaari oo ka dhacay nawaaxiga Wasaaraddaha Dhalinyarada iyo Amniga gudaha

 
Arbaco, April, 05, 2017 (HOL) –Qarax gaari ayaa ka dhacay banaanka hore ee maqaayad lagu iibiyo "Coffee" oo ka soo horjeeda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo cayaaraha ee ku taalla magaalladda Muqdishu.

Sidoo kale halka qaraxa uu ka dhacay, waxaa ay 100 meters u jirtaa xaruunta wasaaradda amniga gudaha.

Ugu yaraan shan ruux ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay in ay ku geeryoodeen, halka 8 kalana ay ku dhaawacmeeyn.

Wariye madax banaan ayaa Hiiraan Online u sheegay, in uu arkay ilaa shan ruux oo dhulka jiifta.

Sarkaal ciidamadda amniga ka tirsan ayaa sheegay in qaraxa uu ruxay xaafadaha ku teedsan Wasaaraddaha iyo xaruumo ganacsi.

Wariye ka tirsan Hiiraan Online ayaa sheegay, in uu arkay gawaarida Ambalace-ta iyo dhaawacyo la keenay Isbitaalka Madiina.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxa, balse weerarada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan geeysta Al Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia