4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2017
Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo maanta Maxkamad lasoo taagayo

 

Talaado, April, 04, 2017 (HOL) – Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon  oo muddo ka badan 50 Cisho ku xiran Magaalladda Hargeysa, ayaa maanta lagu wadaa in maxkamad lasoo taago.

Somalinad, ayaa wariyaha ku eedeysay in uu ku xadgudbay qadiyada Somaliland.

Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalladda Hargeysa, kadib markii Muqdishu uu kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Halkaan ka daawo: : Wiil 8-jir ah oo uu dhalay Wariye Coldoon oo ka codsaday Madaxweyne Siilaanyo in lasii daayo Aabihiis

Wiil 8-jir ah, oo uu dhalay Wariye C/maalik Sheekh Muuse Coldoon, ayaa ka codsaday madaxweynaha maamulka Somaliland in uu sii daayo Aabihiis.

Wariye C/maalik Coldoon ayaa Hargeysa lagu xiray 15kii Bishii February.

Wiilka oo lagu magacaabo Maxamed Amiin C/maalik Sheekh Muuse Coldoon, ayaa saxaafada kula hadlay Magaalladda Burco ee Gobolka Togdheer, waxaana uu sheegay in si xushmad leh loo sii daayo Aabihii.

“Madaxweynaha Somaliland, waxaa ka codsanayaa in uu iisii daayo Aabaheey, Aabaheey waxaa uu i baray in aan ku xad-gudbin carruurta kale, isla markaana aan ixtiraamo dadka iga weyn”, ayuu yiri Maxamed.

Haddii aan nahay carruurta Somaliland, madaxweyne waan ku jecelnahay adigana na jeclood oo noosiidaay Aabaheey, ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay Maxamed.

Hooyada dhashay Wariye C/maalik Sheekh Muuse Coldoon, ayaa dhawaan ka codsatay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, in uu amro in lasii daayo wiilkeeda.


Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia