Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka digay in xildhibaannada ay ka maqnaadaan fadhiyada baarlamaanka
Talaado, April, 04, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha
baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaaada
baarlamaanka loogu baahan yahay in ay joogteeyaan kulamada baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in xildhibaanada ay si
iskood ah ay ugu maqnaadaan kulamada baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay in xildhibaanada Qaranka loogu baahan yahay in ay
ilaaliyaan sharciga isla markaana ay si sax ah u gutaan waajibaadka iyo masuuliyada
saaran oo ay u dhaarteen.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan xildhibaano u yimaado xarunta golaha shacabka
isxaadirin oo kaliya ka dibna aan kulamada baarlamaanka ka qeyb qaadan, waxaa
uu sheegay in ay jiraan xildhibaan is xadiiriya oo kaliya kadibna iska taga.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
ayaa xildhibaanada Qaranka sidoo kale ugu baaqay in ay mar walbo ilaaliyaan mas’uuliyada
saaran iyo gudashada waajibaadkooda.
Ugu danbeyntii, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr mar
shaaciyay in la ganaaxayo Xildhibaanada aan soo xaadirin Kulamada Baarlamaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]