4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay ergayga QM ee Soomaaliya

Isniin, April, 03 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramadda Midoobay Mr. Michael Keating oo booqasho laba cisho ah ku yimid Somaliland.

Weftiga Mr. Michael Keating ayaa soo indho indheeyey goobaha dadkii abaaraha lagu ururiyey ee lagu caawiyo ee miyiga magaaladda Gabiey, waxaanu sheegay inay dadkaasi gurmad u baahan yahay,isla markaana qaramadda midoobay dhankeeda  wixii awoodeeda ah ku caawin doonto dadkaasi abaaruhu saameeyeen.

Shirka madaxweynaha marka uu dhamaystay waxa warbaahinta la hadlay ergayga Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Mr. Michael Keating iyo wasiirka Arrimaha dibadda oo sheegay ujeedadda u yimaadeen Somaliland.

 “waxaa halkan inoogu yimid wefti uu hogaaminayo xoghayaha gaar ah ee Qaramada Midoobay, ujeedadiisa ugu mudna waxay ahayeen inay xog ogaal u noqdaan xaaladda abaareed ee wadanka ka jirta shalayna waxay soo booqdeen meelaha lagu ururiyey dadkii abaaraha ee lagu xanaaneeyo, waxaanay madaxweynaha ugu yimaadeen sidii ay u xoojin lahaayeen cilaaqaadka iyo wada shaqaynta ka dhexeysa, qaramada midoobay iyo Somaliland, waxaanu ka wada hadalnay arrimo la xidhiidha horumarka iyo doorashooyinka”ayuu yidhi wasiir Sacad Shire.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating, waxaanu sheegay in arrimaha uu u yimid ka mid tahay arrimaha abaaraha oo uu sheegay in  ururada ka wada shaqeeyaan arrimaha bani’aadanimadda ka wada hadleen  sidii loo caawin lahaa dadkaasi abaaruhu saameeyeen oo uu xusay inay soo arkeen oo ay booqdeen.

“waxaanu soo aragnay dadka abaaruhu ku dhaceen ee reer Somaliland oo u baahan gargaar iyo mucaawimo, waxaana ka wada hadlaynay sidii dadkaasi gacan loo siin lahaa oo caruurta iyo haweenba oo u baahan caawimo loo gargaari lahaa”ayuu yidhi Mr. Michael Keating.

Sidoo kale,waxa wax laga waydiiyey arrimaha saldhiga militiri oo uu sheegay in wixii dhaqaalaha kor u qaaday ama shaqo abuur keenaya loo baaahan yahay,taas oo ku dhisan nidaamka cad, w axaanu xusay in arrintaasi u taalla Somaliland, isla markaana  xeerarka caalamka  waafaqsan yahay heshiishku.

“Waxaan filaya arrintani (Saldhiga Militari) ay u taalo xukuumadda Somaliland qaabkii ula macaamili lahayd haday jirto arrimo ay warbaahinta madaxa banaan iyo ururada rayidka mowducan ka qabaan ay muhiim tahay in la shaaciyo oo xukumadda Somaliland lagala hadlo, waxa muhiim ah oo cad sidii kor lagu qaadi lahaa kaabaayasha kala duwandhaqaaalaha sida shaqo abuurka iyo abuurista fursado dhaqaalaha ay helaan shacabka Somaliland. Laakinse, qaabka loo fulinayo ay noqoto inay cadahay iyado lagu dabaaqayo nidaamka caalaamiga ee sharciga caalamiga ah (international law.”ayuu yidhi Mr. Michael Keating mar uu ka jawaabayey arrinta saldhiga Militari ee Somaliland ka kiraysay Imaaraadka Carabta.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.