4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 3 bilood ee soocota

 

Isniin April, 03, 2017, (HOL) – Kullankii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu meelmariyay miisaaniyadda dowladda ee saddexda bilood ee soo socota, kadib markii wasiirka cusub ee Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu mudanayaasha golaha ka codsaday in ay fursad u siiyaan si uu u keeno xisaab celinta miisaaniyadda sanadkii tagay isla markaana muddo saddex bilood ah la siiyo, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee SONNA.

Kullankan oo uu shir guddoominayay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari) oo hareerahiisana ay fadhiyeen labadiisa ku-xigeen ayaa waxaa ugu horeyn loo qeybiyay Xildhibaanada nuqulo ka mid ah miisaaniyada dowladda iyo qarashaadka ku baxa xafiisyada dowladda.

Xubnaha golaha shacabka ayaa soo jeedinta wasiirka kadib halkaas ka hadlay, waxaana ay ka doodeen miisaaniyadda, waxayna inta badan xildhibaanadii goobta ka hadlay ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin in wasiirka cusub fursad loo siiyo si uu u soo diyaariyo miisaaniyad la jaan go’an baahida dowladda isla markaana mugdi ku jirin.

Wadarta guud ee Miisaaniyadda dowladda ee  sanadkan 2017 waa US$ 267,544,364 (Laba boqol lixdan iyo todobo milyan , Shan boqol afartan iyo afar kun, Seddex boqol lixdan iyo afar Dollar).

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia