4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2017
Koox hubeysan oo Soomaaliya ku afduubtay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobe

 

Isiniin, April, 03, 2017 (HOL) –Dadka deegaanka ayaa u sheegay Hiiraan Online, in koox hubeysan ay afduubteen gaari ay la socdeen Afar ka mid ah shaaqle ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Aduunka u qaabilsan QM ee WHO.

Afduubka waxaa laga geystay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale warka ayaa intaasi waxaa uu ku darayaa in gaarigan uu ka ambabaxay Degmada Luuq,  kuna wajahnaa Degaanka Maganeey oo qiyaas ahaan 15Km u jira Degmada Luuq.

Warar aan la xaqiijin ayaa dhinaca kale sheegaya, in afduubka ay geysteen rag ka tirsan Al Shabaab, balse warkaasi si madax banana looma xaqiijin karo.

Shaqaalaha la afduubtay ayaa waxaa ay ka shaqeynayeen talaalka dabeysha. 

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco:-

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia