4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2017
Ciidamo ka tirsan Puntland oo la wareegay kastamka canshuuraha ee waqooyiga Gaalkacyo

 

Isiniin, April, 03, 2017 (HOL) –Warar naga soo gaaraya waqooyiga magaalladda Gaalkacyo, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay la wareegeen Xarunta Canshuuraha ee Waqooyiga Magaalladda Gaalkacyo.

Ciidamadda ayaa la sheegay in ay gadood ka yihiin mushaar la’aan.

Masuuliyiinta maamulka oo aan isku daynay in aan la hadalno nooma aysan suuragalin.

Madaxda maamulka Puntland, ayaa qaarkood sheegay in ay ka xunyihiin dhaqanka qaar ka mid ah ciidamadda.

Qaar ka mid ah magaallooyinka dalka, ayaa waxaa ka dhacay gadood ay ciidamadda sameynayaan, kuwaas oo mushaarkooda u doodaya in ay helaan.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia