4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2017
Faafaahin: Kolonyo ay la socdeen ciidamadda AMISOM oo qarax lala eegtay

 

Isiniin, April, 03, 2017 (HOL) –Kolonyo ay la socdeen ciidamadda AMISOM, ayaa maanta qarax lagula eegtay Degmada Kunturwaareey ee Gobolka Sh.Hoose.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay Degaanka Fidi-dheer oo qiyaas ahaan 20Km dhanka koonfureed uga beegan Degmada Kunturwaareey ee Gobolka Sh.Hoose.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay weerarka.

Xarakadda Al Shabaab ayaa inta badan sheegata masuuliyada weerarka, balse ma jirto cid hadda sheegatay qaraxa.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia