4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2017
Gawaari lagu kontoroolaya xaduudaha dalka oo ku shaqeeya dhiiga dadka ayaa lagu warejiyay Hey’adda socdaalka Soomaaliya

 

Isiniin, April, 03, 2017 (HOL) –Hay’adda IOM, ayaa maanta ku wareejisay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya, G/Sare Maxamed Adam Jimcaale Koofi, gawaari loogu talagalay in lagu ilaaliyo Xaduudaha Dalka.

Agaasimaha ayaa gawaarida kula wareegay munaasabad maanta lagu qabtay magaalladda Kismaayo, ee xaruunta maamulka Jubaland.

Gawaridaan ayaa ah kuwo  Casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray, waxaana ay gawaaridan sheegayaan in la ogaado haddii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay ka gudban Xaduudaha.

Gawaarida ayaa sidoo kale sahlaya in si deg deg ah loo ogaado dadka sharcidarada  ku gudbaaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo.

Hay’adda IOM ayaa ugu deeqday Hay’adda Socdaalaka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaana maanta wixii ka dambeeya meesha ka baxaya in si fudud lagu soo galo ama looga baxo xaduudaha dalka Soomaliya oo mudo 26 sano ah dayacnaa, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay hey’adda.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia