4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo hay’adda dowladda faray in qoraaladooda u isticmaalaan Af Soomaali


Isniin, April, 03, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amarkii u horeeyay ee ku socda Hey’addaha dowladda, gaar ahaan Wasaaraddaha Xukuumaddiisa.

Amarkan ayaa faraya in hay’addaha dowladda inay qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro luqada Af-Soomaaliga ah, iyadoo ra’iisul wasaaruhu si rasmi ah qalinka ugu duugay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tallaabada ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay hoos u dhac ku imaanayay.

Inta badan Wasaaraddaha dowladda ayaa laga adeegsadaa luqado ajnabi, sida luqada Ingiriiska, oo inta badan qoraalada la isugu diro.

Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud ayaa sanadkii 2015 mar soo saaray amar lagu farayo hay’addaha dowladda in qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro Af-Soomaaliga, laakiin amarkaasi ma noqon mid dhaqangala.

Hay’addaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu dhaliilaa isticmaalka luuqada English –ka xitaa marka ay iyaga dhaxdooda fariimo ama qoraalo isku diyaraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]