4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2017
DAAWO: Axmed Madoobe: Xildhibaannada Tuutaha ha xirtaan, anna waan idinka horreeynayaa
Isniin, April, 03, 2017 (HOL) –Madaxweeynaha Jubaland, Mudane Axmed Max'ed Islaam oo maanta khudbad dheer ka jeediyay furitaankii kalfadhigii sedexaad ee baarlamanka Jubaland ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in howlgalladu noqon doonaan kuwo ay ku xoreeynayaan deegaanada ay Al-shabaab ka taliyaan ee gobollada Jubooyinka, isagoo sheegay in xildhibaannada Jubaland kasoo jeeda ee baarlamanka dalka iyo kuwa dowlad goboleedka laga doonayo in ay tuutaha xirtaan oo ay howlgallada qeyb ka noqdaan, si buu yiri xildhibaan walba awood ugu yeesho in uu tago deegaankii laga soo doortay.

Waxa uu xusay in uu isagu hormuud u noqon doono howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka bilaaban doona deegaanada Jubooyinka.

Halkan ka daawo Muuqaalka.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.