Somaliland oo siidaysay maxaabiis budhcad badeed ah oo dhamaystay mudaddii xukunkoodda
Isniin, April, 3 2017 (HOL)- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda
Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa sheegay in toddoba maxbuus oo budhcad
badeed ah oo dhamaystay mudaddii xukunkoodda la siidaayey,isla markaaana dib
loogu celiyey deegaanadii ay ka soo jeedeen.
Maxaabiistan ayaa la sheegay in
dhaqan celin la siiyey,isla markaaana waxbarasho ku dhex qaateen xabsiga dhexe
ee magaaladda Hargeysa, waxaana hore maxaabiistan Somaliland ugu soo
wareejiyey Maxkamadda sare ee Seychelles
ka dib markii maxaabiista loo soo bandhigay xabsiga ay ku dhamaysan karaan
xukunkoodda.
Maxaabiistan waxa magaaladda
Hargeysa lagu soo wareejiyey December 2012, waxaana la sheegay inay dhamaysteen
xukunkooddii tobanka sanno ahaa ee wakhtigaasi lagu xukumay, waxaana u kala
dhasheen maamulka Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya.
“Somaliland iyo Seychelles,
iyagoo ahmiyada sinaaya horumarinta hannaanka kala-wareejinta maxaabiista, si
loo dhiirigeliyo dhaqan-celinta maxaabiista xukumay, iyagoo fursad loo siinaayo
in ay xukunkooda ku dhamaystaan dalalkooda amma dal dhaqan ahaan iyo diin ahaan
ay fahmayaan, ayaa ujeeddadan tarteed ay is-afgarad u wada galeen labada
dawladood 2011 si loo soo wareejiyo maxaabiista budhcad-badeeda Soomaalida ah,
xukunkooda inta hadhayna ugu qataan Xabsiga Hargeysa”ayaa lagu yidhi
war-saxaafadeed ka soo baxay wasiirka Cadaaladda Somalialnd Cadare.
Waxaanu intas ku daray “Sidaa
darteed, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladdu waxa uu amray sii daynta 7 maxbuus oo
xukunkooda ku dhammaystay Xabsiga Hargeysa (Max buus kasta wuxuu ku xukunaa 10
sanndood oo xadhig ah, waxaana xukuntay Maxkamadda Sare ee Seychelles, iyadoo
Hargeysa loo soo wareejiyey December 2012”.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.