4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2017
Qarax 10 ruux ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Ruushka


Isniin, April, 03, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa 10 ruux ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay xarun tareen dhulka hoostiisa laga raaco oo ku taal magaalada St Peterburg ee dalka Ruushka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyadan ay saameeyeen Tareenka iyo dadkii goobta ku sugnaa oo idil, waxaana soconaya gurmadka dadka ku dhaawacmay oo xaaladooda lala tacaalayo.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in la baari doono qaraxan, hadii uu qeyb ka yahay falal argagixiso.

Qaraxa ka dhacay St Petersburg ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta Madaxweynaha Ruushka uu tagay magaaladaas oo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha warbaahinta.

Xaalada goobta ayaa ah mid cakiran, waxaa la geeyay ciidamo fara badan, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran.

Ugu danbeyntii, ruushka ayaa horay waxaa uga dhacay weeraro is qarxin ah oo ay sheegteen Kooxo Islaamiyiin ah, sidoo kale waxaa uu qeyb ka yahay dagaalka Suuriya, isagoo taageeraya dowladda Bashaar Al-Asad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]