4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2017
Madaxweeynaha Jubaland oo daahfuray Kalfadhigii 3-aad ee Baarlamanka Jubaland


Isniin, April, 03, 2017 (HOL) –Madaxweeynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa maanta daahfuray kalfadhigii sedexaad fadhigiisii 1-aad ee baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland.

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen 52 mudane ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha Baarlamanka Jubaland Mudane Cabdi Max'ed C/raxmaan, isagoo ka warbixiyay waxyaalihii u qabsoomay Baarlamanka mudadii uu fasaxa ku maqnaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in gudoomiyeyaasha gudiyada Baarlamanka ay tababarro kusoo qaateen dalka Kenya, ayna heshiis wada shaqeyn ah kala sixiixdeen baarlamanka Ismaamulka Nairobi, waxa uuna sheegay in ay ku heshiiyeen in la mataaneeyo labada baarlaman.

Madaxweeynaha Jubaland ayaa intaa kadib kulanka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneeysa, isagoo sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha gaarka ah ee baarlamanka, isagoo sheegay in loo baahanyahay in mudaneyaasha u diyaargaroobaan howlgallo ay hormuud u noqon doonaan oo lagu xoreeynayo deegaanada ay Shabaab kaga suganyihiin Jubooyinka.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in marka lagu guuleeysto howlgalladaasi, fadhiyada baarlamanka lagu qaban doono degmooyinka Jubaland.

Mudanayaasha ayuu ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii loo samatabixin lahaa umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in la doonayo in qof walba maanka ku hayo marxalada uu dalku ku jiro iyo sidii loo ilaalin lahaa nidaamka dowliga ah ee dhisan.

Ugu danbeyn, madaxweeynaha ayaa ku dhawaaqay in uu furanyahay kalfadhiga sedexaad fadhigiisii 1-aad.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.