4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2017
Wasiirka cusub ee wasaarada dastuurka oo xilka la wareegay

Isniin, April, 03, 2017 (HOL) – Wasiirka cusub ee wasaarada dastuurka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa manta si rasmi xafiiska ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaas Xusseen Sheekh Max’uud.

Munaasabada xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mas’uuliyiin, shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda dastuurka Xusene Sheekh Maxamuud Xuseen ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay iyo heerarka uu soo maray barnaamijka dastuurka iyo wada tashiyadii ay ku qabteen gobolada dalka.

Wasiirka cusub ee Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo horay xilkan u soo qabtay ayaa sheegay in howsha wasiirkii hore uu qabtay uu halkeeda ka sii wadayo, isagoo ammaan u jeediyay Wasiirkii hore.

Ugu danbeyntii, inta badan xubnaha gollaha wasiirada cusub ee dhawaan hellay codka kalsoonida ayaa la wareegay xilalka, inkastoo ay jiraan wali xubno ka tirsan gollahan cusub oo aan lagu wareejin xafiiska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]