4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2017
Ayaan Xirsi oo joojisay safar ay ku tagi laheeyd dalka Australia sababo la xiriira “Cabsi dhinaca ammaankeeda”

 

Isiniin, April, 03, 2017 (HOL) –Ayaan Xirsi, ayaa joojisay safar ay ku tagi laheeyd dalalka Australia iyo New Zealand, sababo la xiriira dhinaca ammaankeeda.

Ayaan Xirsi oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay kasoo muqatay TV-gga dalka Australia, halkaas oo ay kaga dhawaaqday joojinta safarkeeda.

“Waxaa safarkeeda ay u joojisay, sababo tira badan oo dhinaca ammaankeeda ah”, sidaasi waxaa yiri Think Inc.

Ayaan Hirsi ayaa sanadadii lasoo dhaafay waxaa soo gaaraayay fariimo hanjabad ah oo loogu sheegaayo in la dili doono.

Mrs Ayaan oo sheegtay in ay ka baxday “Diinta Islaamka”, ayaa wixii xiligaasi ka dambeeyay ay lasoo daristay cabsi.

Qof noocee ah waaye Ayaan Hirsi?

Ayaan Xirsi ayaa magangalyo ka heshay dalka Holand sanadkii 1992, waxaana sanadkii 2003 loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.

Ayaan oo qoraa ah, waxaa sanadkii 2004, ay soo jiidatay dareenka dadka Aduunka ku nool, kadib markii ay sameysay film isku dhac ah oo ka dhan ah dumarka Muslimiinta, waxaana markii dambe la dilay Filim sameeyeheedii Theo Van Gogh, waxaana dilkiisa lala xiriiriyay kooxo islaamiyiin ah.

Ku dhowaad 400 oo qof ayaa saxiixay in ay kasoo horjeedaan booqashada Ayaan Hirsi ay ku tagi laheeyd wadamada Austalia iyo New Zealand .

Markii Diinta Islaamka ay ka baxday, waxaa ay biwooday in ay wax ka sheegto habdhaqanka wanaagan ee Diinteena Suuban.

Ayaan Xirsi ayaa ka wel-welsaneed nolosheeda sanadkii 2008:-

Ayaan Xirsi Cali ayaa u sheegtay Baarlamaannka Ururka Midowga Yurub 2008 in ay nafteeda khatar weyn ku jirto, ilaa iyo wixii ka danbeeyay markii dowladda Holland ka joojisay Laba milyan oo Euro oo la siin jiray dadka iyada illaaladda u ah.

Xukuumadda Holland ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay bixiso lacagta Ayaan nafteeda lagu ilaalinayo haddii ay ku sugan tahay dalka dhexdiisa, laakiinse aysan bixineyn lacagtaa haddii ay dalka dibadiisa joogto.

Dowladda Mareykanka ayaa iyaduna sheegeysa in aysan bixin lacag shakhsi lagu difaacayo ammaankiisa.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia