4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2017
10 ruux ayaa cudurka Shuban biyoodka u geeryooday Gobolka Togdheer

 

Isiniin, April, 03, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 10 ruux ayaa cudurka Shuban biyood-ka u geeryooday degmadda Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ee Soomaaliya.

Dr Maxamuud Axmed, oo ka howlgalla Isbitaalka guud ee degmadda Buuhoodle, ayaa sheegay in 35 ay hadda la jiifaan cudurka.

Saraakiisha xaruumaha caafimaadka ee degmadda, ayaa dhanka kale sheegay in cudurka Todobaadkii hore uu ka dilaacay degmadda, iyadoo aysan jirin daawo ku filan degmadda oo lagula tacaalo dadka uu cudurka soo ritay.

Sidoo kale, waxaa lasoo sheegayaa in ay jiraan dad badan oo wali la jiifa Shuban biyoodka.

Degmadda Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ee Soomaaliya, waxaa ay ka mid tahay meelaha ay saameysay abaarta sanadkaan ku dhufatay Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia