Madaxweynaha Puntland oo magacaabay xilal cusub
Isiniin, April, 03, 2017 (HOL) –Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo soo gaartay xafiiska Hiiraan Online, ayaa waxa ay u qorneeyd sidan:-
Degreeto xeer Madaxweyne Lr.44 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabid Agaasime Guud, Kuxigeen Agaasime Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey. Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu latashaday: Wasiirka Amniga.
Wuxuu xeeriyey:
1- Waxaa Maxamed Faarax Ashkir loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland
2- Waxaa Cabdikariin Maxamed Faarax loo magcaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.
3- Waxaa Haashim Axmed Cabaas loo magcaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.
4- Waxaa Cabdinaasi Yuusuf Xaaji Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Dawladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
–DHAMMAAD—
XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia