4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2017
Askari gacanta ugu jiro al-shabaab oo baaq u diray dowladda Kenya

Isiniin, April, 03, 2017 (HOL) –Muuqaal laga soo duubay askari kenyaan ah oo gacanta ugu jira Al Shabaab, ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in lagu caawiyo sidii loo sii deyn lahaa.

Filimka ay sii daayeen Al Shabaab ayaa waxaa uu soconayaa todobo daqiiqo.

Askariga la yiraahdo David Ngugi Wataari, ayaa waxaa uu ka tirsanaa. Ciidanka KFD-ta dalka kenya, waxaana Al Shabaab ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

“Waxaan codsanayaa in dowladda Kenya, siyaasiyiinta iyo shacabka kenya ay iga caawiyaan siideysmadeyda, waxaan gacanta ugu jiraa Al Shabaab”, ayuu qeyb ka mid ah muuqaalka uu ku sheegay askariga.

Al Shabaab ayaa sidaan oo kale, bilo ka hor usoo bandhigtay askariga, waxaana ay tahay markii labaad oo laga daawo muuqaal noocaan oo kale ah.

Waxaa la aaminsanyahy in ay jiraan askar badan oo wali ku jiraan gacanta Al Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia