4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2017
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

Isniin, April, 03, 2017 (HOL) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa iney kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka xildhibaanada ay yeelanaya ayaa waxaa loogu qeybin doonaa miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2017.

Miisaaniyada loo qeybinayo xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa la doonayo in dowladda ay ku shaqeyso sanadkan 2017 isla markaana lagu fuliyo howlaha dowladda.

Sidoo kale xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qeybinta kadib ka doodi doono marka ay soo aqristaan warbixinta ku saabsan miisaaniyada.

Sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa loo qeybinaya qaraaradii ugu dambeeyay baarlamaanku gaaray.

Qaraarada loo qeybinayo xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah ansixinta golaha wasiirada Soomaaliya iyo qaraarkii ku saabsanaa ka qeyb qaadashada howlaha gurmadka abaaraha ee dalka ka soconayo oo wax ka badal lagu sameeyay.

Ugu danbeyntii, xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo laga doonayo in ay qabtaan afarta sano ee soo socota.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]