4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2017
Maamul gobolleedka Puntland oo eedeyn u jeediyay dowladda federaalka

 Isiniin, April, 03, 2017 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullaahi Camaay ayaa sheegay in dowladda dhexe si aan wanaagsaneyn u maamushay sida uu hadalka u dhigay dhaqaallaha la siinayo dowlad gobolleedyada ee loogu talagalay wax ka qabashada abaarta.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay $ 150 ku oo doolar aysan ku filneyn Puntland, oo sida uu hadalka u dhigay ay ku soo barakaceen dad isaga kala yimid ilaa afar dowlad gobolleed oo dalka ka dhisan.

‘’Waxaan leenahay dowladda cusub waxaa ay ku soctaa dariiqii dowladdii ka horeysay, Puntland culeys bani’aadannimo ayaa saaran, sidaa daraadeed ma aqbaleynyo in ay isku saami noqdaan maamulo yar yar oo dadkoodii xitaa ay Puntland u soo barakaceen, arintaa waxaan u aragnaa cadaalad darro ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Dadka ku barakacay Puntland ayuu sheegay in ay ka kala yimaadeen deegaannada Soomaaliland, Galmudug iy o gobollada dhexe marka laga soo tago dadka reer Puntland ee sidoo kale abaartu saameynta adag ku yeelatay.

‘’Soomaaliland ayaa la yiri waxaa la siinayaa $ 200 kun oo doolar oo loogu talagalay in abaarta wax looga qabto, Puntland –na $ 150 kun, arintaan sax ma’aha ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu danbeyntii, madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta dowladda federaalka in ay ilaaliyaan sidan uu hadalka u dhigay dhaxdhaxaadnimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]