4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 24, 2017
Xoogagga Al-shabaab oo ka baxay deegaanka Halgan iyo ciidamada Itoobiya oo ku sii jeeda

 Isniin, April, 24, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab kaddib markii ay u ruqaasadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo wehlinayaan kuwa dowladda Soomaaliya maanta oo Isniin ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku wajahan yihiin deegaanka Halgan oo sanadkii hore ay la wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in halkaa intooda badan isaga baxeen gadiidkii dagaalka Al-shabaab waloow wali ay jiraan tiro yar oo ka tirsan xoogagga ururka Al-shabaab wali ku sii harsan magaalada.

Dadka ayaa baqdin weyn ka qaba in Al-shabaab ku amraan in ay isaga baxaan degmada sida marar badan hore ay sameeyeen.

Bishii June ee sanadkii 2016ka deegaanka Halgan waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhaxmaray ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab waxaa dagaalkaa ku dhintay tiro ka badan 200 u badnaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deegaanka Halgan ayaa muhiim u ah isku xirka degmooyinka Beledweyne iyo Buula-burte waana magaalo ganacsi oo todobaadkiiba mar ay u ganacsi tagaan dad isaga kala yimid deegaannada kala duwan ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]