4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 22, 2017
Wasiirka waxbarashada : Manhajka Soomaalida waxaa uu ku saleysan yahay dhaqanka Islaamka

 Sabti, April, 22, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarrada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka jawaabay digniintii Al-shabaab oo waalidiinta uga digay in aysan carruurtooda u dirin Iskuulada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga aheyn.

Wasiirka waxbarashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay digniinta Al-shabaab, isaga oo sheegay in manhajka Sooaaliya uu ku saleysan yahay mar walba Diinta iyo dhaqanka Islaamka.

“Mar walba Soomaalida dhaqankeeda waxaa uu ku saleysan yahay Islaamnimo iyo Soomaalinimo, caqiiqadada iyo aragtida Islaamka ay ka turjumeyso”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada oo u waramayay Idaacada VOA.

Waxaa uu ugu baaqay in aysan Waalidiinta dheg jalaq u siin Al-Shabaab, waxaana uu xusay in iskuulada lagu dhigo Tarbiyada Islaamka iyo luqada carabiga.

“Cid walba waa ogtahay, waalidiinta Soomaalida waa loo sheegaa, in waxyaabaha lagu dhigo Iskuulada, sida Fasalka Koowaad illaa 12aad in Tarbiyada Islaamiga lagu dhigo”ayuu yiri Wasiirka.

Dhawaan ayeey aheyd markii afhayeenka Al-shabaab uu sheegay in waalidiinta Soomaaliyeed uga digayaan in carruurtooda u direen dugsiyada iyo Jaamacadaha lagu barto sida uu hadalka u dhigay manhajka reer galbeedka, waxaana markii ugu horeysay oo digniin noocan ah ay soo saaraan kooxda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]