Kenya oo sheegtay in ay dishay 52 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab
Jimco, April, 21, 2017 (HOL) - Ciidamada dawladda Kenya ayaa sheegay in ay
dileen 52 ka tirsan ururka Al-Shabaab habeenimadii xalay ku dileen weerar ay ka
geysteen deegaan lagu magacaabo Sarira oo u dhaw magaalada Badhaadhe.
War saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in
ciidamadooda dhulka oo adeegsanaya sirdoon iyo hubka hoobiyayaasha ay bartilmaameedsadeen
goobtaasi, ayna ka sameeyeen hawlgal saaka.
Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in hawlgalka ka dambeeyey markii ay
ogaadeen in goobtaasi ay isku urursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab.
Kenya waxay sheegtay in hawlgalkaasi ay ku dishay 52 ka tirsan Al-Shabab
isla markaana kuwo kale la baxasadeen dhaawacyo.
Kneya waxay kaloo sheegatay inay hawlgalkaasi ku qabsatay hub iskugu jira 7
qori oo AK47 ah, 1 PKM, 104 xabbo oo rasaas ah, 3 walxaha qarxa oo diyaarsan
iyo kuwo aan diyaarsanayn iyo laba telefoon.
Dadka deegaanka ayaa idaacadda VOA u sheegay in ay arkeen diyaaradaha Helicopter
-ka Kenya oo duqaynaya deegaan lagu magacaabo Sangaabo oo u dhaw deegaanka
Sariira.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]