4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2017
Is rasaaseyn dad ay ku dhinteen oo ka dhacday deegaanka Dharkeyn-Geenyo gobolka Sool

 

Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) - Sadex qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen tuulada Dharkayn-geenyo oo 75Km galbeed kaga aadan magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool kadib markii rasaas ka dhacday meel bartamaha magaaladaas ku taala.

Sadexda ruux ee dhimatay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidama Soomaaliland oo saaka gaaray Dharkayn-geenyo si ay qayb uga noqdaan ciidamo loo qorsheeyey inay wax ka qabtaan beelo colaad aafo badan keentay degaankaasi ka dhex taagnayd.

"Waxaan maqalay rasaas dhacday, hadana waxaa dhacday waqti yar ka dib rasaas badan, waxaana goobtii oo ahayd xudunta magaalada isugu yimi ciidan xoogleh, waxaana lay sheegay 3 askari in ay dhinteen" sidaa waxaa yiri Maxamed Cali oo degaankaasi jooga waxaana uu intaas ku daray in rasaasta bilawgeeda ay lahaayeen dad degaanka ka soo jeeda.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay masuuliyiinta ciidanka, waxse la sheegayaa in muran dhex maray saraakiil ciidanka ah iyo maamulka Dharkayn ee dhinaca Itoobiya ay salka ku hayso rasaasta dhacday,

Xaalada Degaankaas oo awle ahaa mid colaad sokeeye aafaysey ayaa haatan waxa ka muuqda Cabsi xoogleh oo kaga imaankarta xiisada haatan ka cusboonaatay.

Dhinaca Kale ciidanka Somaliland ayaa gaadhay Tuulada Saaxdheer oo iyana ka mid ah degaanada colaadu ka taagnayd lana siman Dharkayn-geenyo oo labaataneeyo Kilomitir Bari ka xigta, waxaana Hiiraan loo xaqiijiyey in si nabad ah ay halkaas ku tageen ciidan beeleedkii halkaasi joogeyna ay ka tageen intii aan ciidanku soo gaarin.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.

[email protected].

Laascaanood, gobolka Sool.