Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti oo gaaray Buula-burte
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw oo maanta ka degay garoonka diyaaradaha
degmada Buula-burte madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble
iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga
Africa AMISOM.
Ka hor wafdiga madaxweynaha iyo saraakiisha ciidamada
AMISOM waxaa degmada sidoo kale gaaray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan
Cali Jeyte Cismaan oo ka anbabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka
Hiiraan.
Ujeedada socdaalka wafdiga isugu jira maamulka
Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay xalinta xiisad
ka dhalatay dil maalintii shalay gudaha degmada loogu geystay askari ka
tirsanaa ciidamada Jabuuti.
Mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha
ciidamada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda kulamo kala duwan la qaataan,
maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Buula-burte oo aan la
hadalnay ayaa inoo sheegay in saraakiisha ciidamada Jabuuti ku eedeeyeen in uu
dilka ka danbeeyay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo khilaaf uu kala dhaxeeyay askariga la dilay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]