4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2017
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo gaaray degmada Buula-burte

Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan ayaa goor dhaw ka degay garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte, waxaana sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda uu halkaa gaaro madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Wafdiga sidoo kale maanta lagu wado in ay gaaraan degmada Buula-burte ayaa waxaa qeyb ka noqon doona saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Ujeedada socdaalka wafuuda lagu wado in saacadaha soo socda gaaraan degmada Buula-burte ayaa salka ku heysa xalinta xiisad ka dhalatay askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti oo maalintii shalay lagu dilay degmada.

Dilka askariga ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ayaa xiisad ka abuurtay degmada, kadib ciidamada AMISOM uga shakiyeen in uu dilkaa geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada. 

Waa markii ugu horeysay oo toogasho lagu dilo gobolka Hiiraan askari ka tirsan ciidamada AMISOM marka laga soo tago khasaaraha ciidamada ka soo gaara dagaallada ay la galaan Al-shabaab.

Wixii warar ah ee ka so kordha warka arintan ku saabsan waan idin soo gudbin doonnaa..

Hiiraan Online, News Desk