4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2017
Imaaraadka oo sheegay in weerarkii Guddiga Abaaraha lagu qaaday in uusan baajin doonin howlaha gurmadka


Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) -Dowladda Imaraadka Carabta ayaa cambaareysay weerarkii Qaraxa miino loo adeegsaday ee shalay lala eegtay kolonyo ay la socdeen Guddiga Gurmadka Abaaraha oo marayay Duleedka Magaalladda Muqidsho.

Kolonyada ayaa ku sii socday Degaanka Garasbaaley, halkaas oo ay ku noolyihiin dad badan oo ka soo cararay abaaraha hadda ka jira Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarkii shalay uu ahaa mid fuleynimo ah oo uusan waxba u dhimi doonin howlaha gar-gaarka ah ee Imaaraadka uu ku caawinayo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxba iskama bedeli doono taageerada aan siineyno Soomaaliya, ujeedadeenu waa sidii aan u badbaadin laheyn shacabka.” Sidaasi waxaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, Imaaraadka ayaa sheegay in uu sii laba laabi doono taagerada lasoo gaarsinayo dadka Abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Soomaaliya.

Sidoo kale Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka ayaa ku booriyay bulshada caalamka in ay ka qeyb-qaataan gurmadka abaaraha ee Soomaaliya.

“Todobaadyadii lasoo dhaafay inkabadan 110 qof ayaa laba maalin gudahooda u dhintay gaajo iyo haraad deegaanada koofur-galbeed Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri Safiirka.

Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka oo ay ku sii jeedeen deegaanka Garasbaaley si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka barakacayaasha ah ee deegaankaas si loo gaarsiiyo gurmad deg-deg ah ayaa waxaa gaarigii hore loo dhigay miino. 

Qaraxii miino ee shalay lala eegtay kolonyada ayaa la sheegay in uusan wax khasaara ha ka dhalan sida uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud.

“Qof dhaawacmay ma jirto balse Qaraxa wuu jiraa, kolonyada waxaa la socday Guddiga Qaranka Abaaraha, maamulka Gobolka Banaadir iyo dad kale oo marti ah”, sidaasi waxaa yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Sidoo kale Sheekh Nuur, ayaa sheegay in mid ka mid gawaarida la socday kolonyada in uu gaaray bur-bur xooggan.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia