4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 2 , 2017
Ra’iisal wasaaraha ku-xigeenka Turkiga oo deeq raashin ah ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha

 

Axad, April 02, 2017 (HOL) –R/wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Vaysi Kaynak, ayaa deeq raashin ah ku wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha.

Deeqda ayaa waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo 12-kun oo qoys.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah guddiga qaranka ee gurmadka abaaraha ayaa u mahadceliyay Turkiga, waxa uuna sheegay in dowladda Turkiga, ay wax badan oo dhinaca bini’aadamada u qabteen ummadda Soomaaliyeed.

“Markuu yimid madaxweynaha Turkiga Erdugan iyo qoyskiisa wax badan ayay Soomaaliya u qabteen doorashooyinka Turkiga ee soo socdana waan u ducaynaynaaa” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Mudane Vaysi Kaynak, oo isaguna ka hadlay  goobta deeqda uu ku wareejinayay ayaa sheegay in mar walba ay garabtaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qeyb qaadatay howlaha dib u dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia