4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 2 , 2017
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Turkiga oo kulan ku yeeshay Muqdishu

 

Axad, April 02, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Wadanka Turkiga Sayn Bekir Bozda, ayaa kulan saacado kooban socday ku yeeshay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Kullanka labada masuul ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xariirka Labada Dowladood iyo sidii Dowladda Turkiga ay uga qeyb qaadan laheyd caawinta dadka Abaartu ay saameysay.

Farmaajo, ayaa uga mahadceliyay Sayn Bekir Bozda, booqashada uu ku yimid magaalladda Muqdishu.

Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qeyb qaadatay howlaha dib u dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia