4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Duuliye Afrikaan ah oo soo Gaba-gabeeyay safar dhanka Hawada ah oo uu ku marayay Caalamaka oo dhan

https://www.hiiraan.com/images/2017/Apr/

Axad, Apil, 02, 2017(HOL)- Duuliye u dhashay dalka Nigeria una shaqeeya shirkadda duulimaad-yada ee Air Djibouti ayaa taariikh cusub sameeyay ka dib markii uu noqday duuliyihii ugu horeeyay oo Afrikaan ah ,kaasi oo ku soo wareega caalamka isaga oo duuliye diyaaradeed ah.

Laanta  xuduudaha madaxa banaan iyo dekadaha dalka Jabuuti ee DPFZ ayaa war ay ka soo saartay arintan ku sheegtay in Odujinrin uu soo gaba-gabeeyay lugtii ugu danbaysay ee safarkiisa ,isaga oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Dulles International airport ee magaalada Washington.

“ Duuliyihu waxa uu soo gaba-gabeeyay safarkiisa ,waxaana intii uu ku jiray uu ku hakaday in ka badan 15 dal oo ku yaala shan qaaraadood oo adduunka ah ,waxaana hadda uu dib ugu soo laabtay Washington oo ah halkii uu safarkiisa ka bilaabay bishii septembar “ ayaa lagu yiri warka ka soo baxay DPFZ

Duulimaadka uu sameeyay Odujinrin ayaa qayb- ka ah mashruuc lagu dhiira-galinayo dhalinta Afrikaanka ah si ay u xaqiijiyaan ahdaaftooda nolosha, ugana gudbaan caqabadaha kaga gudban dhinaca noloshooda.

Odujinrin oo horey duuliye uga soo noqday diyaaradda Boeing 737 , isla markaana helay sharciga duuliye-nimada lix sano ka hor ayaa sheegay in uu ku faraxsan-yahay guusha uu gaaray oo uu sheegay in muddo ah in uu ku soo haminayay.

“Tan iyo markii aan caruurta ahaa ,waxaan ku riyoon jiray in hal maalin aan ku soo wareego caalamaka oo dhan ,waxaana doonaya in caruurta Afrikaanka ah ay sidan oo kale u fakaraan ,isla markaana aan u noqdo tusaale ay ku dayan karaan “ ayuu yiri Odujinrin

“Waxaan jeclahay in aan halkan uga mahad-celiyo maareeyaha shirkadda Air Djibouti Abubakar Cumar Haaddi iyo madaxa garoomada magaalada Cardiff Bruce Dickinson,kuwaasi oo iga taageeray safarka , laantood-na aysan waxba suurtagal noqdeen” ayuu mar kale yiri Odujinrin.

Maareeyaha shirkadda Air Djibouti Abubakar ayaa sheegay in ay qorshanaynaayaan dhiira-galinta  duuliyayaasha ka soo jeeda Afrika si wadada loogu xaaro horumarinta garoomada ku yaala gobolka .

Ugu danbayn, mas’uulkan ayaa sheegay in isbadalka arintan laga dareemi doono guud ahaan Afrika ,isla markaan ay dhiira-galin u tahay horumarka iyo dhaqaalah Afrika oo ka soo kabanaysa colaado iyo qalalaasooyin hareeyay sanadahan.

Faysal M. Hassan
[email protected]