4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Kalfadhigii Baarlamanka Jubaland oo dib u dhacay ilaa malainta berito ah
Axad, April, 02, 2017(HOL)- Kalfadhigii sedexaad ee baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland oo lagu waday in uu maanta ka furmo magaalada Kismaayo ayaa dib u dhacay ilaa maalinta berito ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 03 April.

Gudoomiyaha hab dhowrka baarlamanka Jubaland Bashiir Max'ed Baahale oo la hadlay shabakadda HOL ayaa sheegay in dib u dhaca ay sabab u tahay tiro xildhibaanno ah oo safarro ku maqnaa oo maanta soo gaaraya magaalada, waxa uu sheegay in kalfadhigu berito si rasmi ah u furmi doono.

"Wax caqabad ah ma jirin, keliya waxaan maanta sugeeynay ku dhawaad 10 xildhibaan oo safar uga maqnayd magaalada, berito ayuu noo furmayaa haduu Rabbi qadaro," ayuu gudoomiyaha habdhowrka baarlamanka hadalkiisii raaciyay.

Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa lagu wadaa in uu daahfuro kalfadhiga sedexaad ee baarlamanka Jubaland oo si rasmi ah u furmi doona maalinta berito ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.