4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Madaafiic lagu garaacay saldhig ciidamadda AMISOM ay leeyihiin


Sabti, April 02, 2017 (HOL) –Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in tiro madaafiic ah lagu garaacay Saldhig ciidamadda AMISOM ay ku leeyihiin  Deeganka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale duqeynta kadib, waxaa la maqlay rasaas xoogan oo loo maleynayo in ay aheyd dagaal toos ah.

“Waxaan maqalnay qaraxyo xoogan kadibna, rasaas socotay daqiiqado”, mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicda iyo dagaalka.

Dhinaca kale, mar jiraan war kasoo baxay xarakadda Al Shabaab ee ku aadan weerarka.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco:"
 
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia