4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Maxey tahay u-jeedka booqashada Muqdishu ee Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga?

 

Sabti, April 02, 2017 (HOL) –Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak, ayaa maanta booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid magaalladda Muqdishu.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha, ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay, ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad iyo mas’uuliyiin kale.

U-jeedka safarka.:

In Ra’iisal wasaare ku-xigeenka uu agab ay ka mid yihiin gawaari uu ku wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sido kale, waxaa safarka u-jeedkiisa lagu sheegay in ay qeyb ay ka tahay balanqaadyo lagu caawinayo dadka abaarta ay saameysay.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayuu la kulmayaa Mr Veysi Kaynak.

Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qeyb qaadatay howlaha dib-u-dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia