4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Shaqaale ka tirsan wasaarada maaliyada oo lagu weeraray magaalada Muqdisho

 Axad, April,, 02, 2017(HOL)- Dabley ayaa ayaa subaxnimadii hore ee saakay ku weerartay degmada Wardhiigley gaar ahaan xafadda Xamar Bille shaqaale ka tirsanaa wasaarrada maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaa oo waqtigaa ku sii jeeday goobtooda shaqo.

Kooxda dableyda ah ayaa la sheegay in ay rasaas culus ku fureen gaariga ay la socdeen shaqaalaha wasaarada, iyaga oo intaa kadibna goobta ka baxsaday.

Darwalkii waday gaariga ayaa ku geeriyooday weerarka, halka labo ruux kalana ay ku dhaawacmeen weerarka.

Ugu danbeyntii, dhacadadan ayaa qeyb ka ah falal ka dhanka ah amaanka ee inta badan ka dhaca caasimada Muqdisho oo waayadii ugu danbeeyay ay ku soo bateen dilalka qorsheysan iyo qaraxyada lagu bartilmaameedsanayo shaqaalaha dowladda iyo goobah ay dadku ku badan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]