4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Gudoomiyaha gobolka Gedo: Amniga gobolka waan xaqiijinnay, Qurbajoogta waxaan ugu baaqeeynaa in ay Maalgashtaan
Axad, April, 02, 2017 (HOL) -Gudoomiyaha gobolka Gedo Mudane Max'ed Muxumed Max'ed oo shalay gaaray magaalada Baardheere kadib safar shaqo oo uu mudooyinkii ugu danbeeyay ugu maqnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa ugu baaqay qurbajoogta Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameystaan gobolka, isagoo sheegay in gobolku leeyahay ilo dhaqaale oo laga faa'iideeysan karo.

Waxa uu sheegay in gobolku uu leeyahay dhul beereed baaxad leh oo dalagyo kala duwan lagu abuuran karo islamarkaana gobolka caan ku yahay dhaqashada xoolaha, arimahaa oo uu xusay in ay yihiin fursado gobolka yaal oo ay ganacsatadu ka faa'iideeysan karaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ammaanka guud ee gobolka uu yahay mid la isku haleyn karo, isagoo sheegay in gobolku ka koobanyahay 7 degmo, dhammaantoodna ay xor yihiin.

Halkan ka daawo Muuqaalka gudoomiyaha;


...............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.