4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

 

Axad, April, 02, 2017(HOL)- Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka soo degay wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Booqashada ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiag uu ku yimid Muqdisho ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay u kuur gelida xaalada abaaraha, arrimaha bani’aadanimada iyo xoojinta howlaha mashaariicda iyo kaalmada ay siiyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Vyesi Kaynak iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Madaxda dowladda Soomaaliya.


Wararka qaar ayaa sheegaya in booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ay horu dhac u noqoneysaa socdaal la filayo inuu bishan gudaheed ku yimaado Muqdisho Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo furi doono saldhig Milateri Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya

Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qeyb qaadatay howlaha dib u dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]