4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 2 , 2017
Wariye Hanad Cali Guuleed oo shalay la afduubtay oo maanta la helay isagoo la jir dilay

 

Sabti, April  02, 2017 (HOL) –Wariye ka tirsan Idaacadda Goobjoog, ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay in la helay wariye Hanad Cali Guuleed, oo shalay koox hubeysan ay ka afduubteen duleedka-galbeed ee magaalladda Muqdishu.

Wariye ayaa la arkay isaga oo gacmaha iyo lugaha ka xir-xiran, aadna loo jir dilay, waxaana lagu helay degmadda Afgooye oo 30km dhinaca koonfur ka xigta magaalladda Muqdishu.

Ilaa iyo hadda lama oga cida afduubatay wariyaha.

Shalay ayaa koox hubeysan, oo ku sugayay banaanka hore ee gurigiisa ay afduubteen wariyaha, xili uu usoo socday goobtiisa shaqada.

“Afduubka Hanad Cali Guuleed waxaa ay dhaawaceysaa damiirka warbaahinta Soomaaliyeed, waana sii socoshada dadaallada lagu aamusinayo saxafiga ay ka go’antahay in uu runta sheego, una noqdo codka Soomaalida aan codka laheyn”sidaasi waxaa yiri Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed.

Idaacadda Goobjoog FM, ayaa soo dhoweysay warka wanaagsan ee soo yeeray.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia